TPS SOOMAALIYA [Soomaali]

Dowladda Mareykanku waxay ugu deeqaysa Soomaalida Mareykanka ku nool Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (Temporary Protected Status - TPS).

Waa maxay TPS?

TPS waxay siisaa dadka ka yimid Soomaaliya ee jooga Mareykanka, ilaalin ku-meelgaar ah oo ku aadan masaafurinta, xaalada sharciga, iyo Kaarka Oggolaanshaha Shaqada (oggolaanshaha shaqada). TPS waa ku meel gaar; taasi micnaheedu waa inay shaqaynayso sanad ama 2 sano oo keliya. Waqtigaas ka dib, dowladda Mareykanka waxay kordhin kartaa TPS ama waxay dooran kartaa inay soo afjarto.

Miyaan u qalmaa TPS Somali?

Waxaad u-qalmi kartaa TPS-ka Soomaaliga haddii:

  • aad tahay muwaadin Soomaaliyeed

  • aad joogtay Mareykanka laga bilabo Lullyo (July) 19, 2021 ama ka hor

* Dambiyada qaarkood aya kaa dhigi karaa mid aan u qalmin TPS *

Waxaan rabaa inaan codsado TPS markii ugu horeysay:

Si aad u dalbato TPS, waxaad u baahan doontaa:

  • Baasaboor Soomaali, shahaadada dhalashada, ama aqoonsi qaran; 

  • Fiiso, xitaa haddii uu dhacay, shaambadda baasaboorka, ama waraaqaha kale ee socdaalka;

  • Dukumentiyada cadaynaya inaad Mareykanka jogtay laga bilabo Lullyo (July) 19, 2021 sida diiwaanada caafimaadka, heshiiska kirada, shaqada, ama diiwaanada dugsiga; 

  • Diiwaanada wixii xarig ah, eedeyn, iyo kiisaska maxkamadda dambiyada ee laga yaabo inaad ku haysato Mareykanka wakhtigay donto hanoqoto

Waxaan hore u haystaa TPS oo waxaan rabaa inaan cusboonaysiiyo:

Dadka ka soo jeeda Soomaalida ee hore u haystay TPS way cusboonaysiin karaan TPS-kooda. Si aad u cusboonaysiiso TPS, waxaad u baahan doontaa:

  • Ogolaanshahaaga shaqo ee dhacay waqtigii ugu dambeeyay ee aad codsatay TPS;

  • Nuqul ka mid ah arjigaagii ugu dambeeyay ee TPS;

Diiwaanada wixii xarig, eedeyn, iyo kiisaska maxkamadda dembiyada ee laga yaabo inaad ku haysato gudaha Maraykanka wakhtigay donto hanoqoto.

FADLAN OGOW: Waqtiga kama dambaysta ah ee lagu cusboonaysiinayo TPS-kaaga Soomaaliyeed waa Sebtember 20, 2021

Haddii aad ku nooshahay Maine oo aad rabto inaad codsato ama cusboonaysiiso TPS-ka Soomaaliyeed, fadlan soo ururi dukumentiyada halkan ku qoran. Wixii macluumaad dheeraad ah ama si aad ballan u qabsato fadlan wac ILAP gelitaanka 207-780-1593 AMA tag https://ilapmaine.org/get-legal-help oo buuxi foomka codsiga internetka.

Kheyraadka hadda waxaa lagu heli karaa Ingiriis iyo Isbaanish.Luuqadaha kale mar dhow ayay diyaar noqon doonaan!