Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay kordhineyso ayna dib u habeyn ku sameyneyso Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS, Temporary Protected Status) ee Soomaaliya. TPS waa xaalad socdaal oo ku meel gaar ah oo dadka ka difaacda masaafurinta ilaa inta heerkoodaTPS uu sii jiro. Waxay kaloo xaq u leeyihiin ogolaanshaha shaqada (Dokumentiga Ogolaanshaha Shaqada ama EAD, Employment Authorization Document), waxayna codsan karaan fasax ay ugu socdaalaan meel ka baxsan Mareykanka. Dib u habaynta cusub ee TPS Soomaaliya waa 18 bilood, laga bilaabo Maarso 18, 2023, ilaa Sebtember 17, 2024. Markuu dhamaado waqtigaas, dawladda Maraykanku waxa laga yaabaa inay mar kale u kordhiso TPS Soomaaliya, ama waxay dooran kartaa inay joojiso.
Read More1 di Bishii Luulyo 2022ka, Adeegyada Dhalashada iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS, United States Citizenship and Immigration Services) ayaa ku dhawaaqay siyaasad cusub oo ku saabsan safarka iyo u-qalmitaanka kaararka cagaaran ee dadka haysta Xaaladda Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (TPS, Temporary Protected Status).
Read MoreDowladda Mareykanku waxay ugu deeqaysa Soomaalida Mareykanka ku nool Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (Temporary Protected Status - TPS). TPS waxay siisaa dadka ka yimid Soomaaliya ee jooga Mareykanka, ilaalin ku-meelgaar ah oo ku aadan masaafurinta, xaalada sharciga, iyo Kaarka Oggolaanshaha Shaqada (oggolaanshaha shaqada).
Read MoreMaxkamadda Socdaalka Mareykanka waxay leedahay goob macluumaad iyo khayraadba u leh dadka ku jira dacwadaha Maxkamadda Socdaalka iyo qareennadooda / wakiillada la aqoonsan yahay.
Read MoreIsdiwangalinta Fulinta socdaalka iyo Canshuur-bixinta (ICE) ee xafiiska Koonfurta Portland waxaa lagu dhamaystiri karaa qaab emayl ah(hadaa doorbidid) ama taleefan.
Read MoreLaga bilaabo qiyaastii July 2, 2021, Xafiiska Maraykanka ee bixinta adeegyada sharciga dhalashada iyo socdaalka ee Maine (USCIS) wuxuu ka guurayaa 176 Gannett Drive wuxuuna u wareegayaa 207 Gannett Drive ee Koonfurta Portland.
Read More