TPS SOOMAALIYA [Soomaali]

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay kordhineyso ayna dib u habeyn ku sameyneyso Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS, Temporary Protected Status) ee Soomaaliya.


Waa maxay TPS?

TPS waa xaalad socdaal oo ku meel gaar ah oo dadka ka difaacda masaafurinta ilaa inta heerkoodaTPS uu sii jiro. Waxay kaloo xaq u leeyihiin ogolaanshaha shaqada (Dokumentiga Ogolaanshaha Shaqada ama EAD, Employment Authorization Document), waxayna codsan karaan fasax ay ugu socdaalaan meel ka baxsan Mareykanka. Dib u habaynta cusub ee TPS Soomaaliya waa 18 bilood, laga bilaabo Maarso 18, 2023, ilaa Sebtember 17, 2024. Markuu dhamaado waqtigaas, dawladda Maraykanku waxa laga yaabaa inay mar kale u kordhiso TPS Soomaaliya, ama waxay dooran kartaa inay joojiso.


Waxaan haystaa TPS Soomaaliya Maxaan ubaahanahay inaan sameeyo?

  • Waa inaad dib iskaga diwaan gelisaa TPS kahor Meey 12, 2023.

  • Ogolaanshahaaga shaqo si toos ah ayaa loo kordhiyaa illaa Maarso 17, 2024. Waxaad u baahan doontaa inaad codsato oggolaansho shaqo oo cusub si aad u hesho oggolaansho shaqo oo soconaysa illaa Sebtembar 17, 2024.

  • Si kastaba ha ahaatee, haddii codsiyadaada TPS iyo ogolaanshaha shaqada ay weli laalan yihiin Maarso 13, 2023, uma baahnid inaad dib isu diiwaangeliso ama aad codsato oggolaansho cusub oo shaqo. Haddii la ansixiyo codsigaaga, oggolaanshaha shaqada iyo TPS waxa la siin doonaa illaa Sebtember 17, 2024.


Waxaan rabaa TPS Soomaaliya. Miyaan u qalmaa?

Waad u qalmi kartaa haddii aad tahay:

  • Muwaadin soomaaliyeed,

  • Si joogta ah u degnaa Maraykanka ilaa Janaayo 11, 2023,

  • Aadna buuxiso shuruudaha kale ee TPS iyo oggolaanshaha shaqada.

Waa inaad soo codsataa kahor Sebtembar 17, 2024.


Maxaan U baahanahay si aan Dib iskugu diwaangeliyo ama U codsado TPS Soomaaliya?

Si aad dib iskugu diiwaan geliso ama aad u codsato TPS Soomaaliya, waxaad u baahan doontaa dukumeentiyo gaar ah, oo ay ku jiraan:

  • Baasaboor Soomaali, shahaadada dhalashada, ama aqoonsi qaran;

  • Caddaynta waxaad ku soo gashay Mareykanka sida fiisaha, shaambada baasaboorka, I-94, ama Ogeysiiska ka soo hormuuqashada Maxkamada (NTA, Notice to Appear);

  • Dukumentiyada cadaynaya inaad Mareykanka jogtay laga bilabo Janaayo 11, 2023, sida diiwaanada caafimaadka, ogeysiisyada dheefaha, heshiiska kirada, waraaqaha mushaar bixinta, ama diiwaanada dugsiga;

  • Diiwaanada wixii xarig ah, eedeyn, iyo kiisaska maxkamadda dambiyada ee laga yaabo inaad ku haysato Mareykanka ama meel kasta oo ah dunida daafaheeda;

  • Nuqul ka mid ah codsiyadii socdaalkii hore ee aad xaraysay; iyo,

  • Dukumeenti kasta oo kale socdaal quseeya oona aad heshay intii aad joogtay Mareykanka.


Sidee ayaan Uga Codsan karaa inay ILAP iga caawiso TPS?

Haddii aad ku nooshahay Maine oo aad rabto in aad dib isku diiwaangeliso ama aad codsato TPS Soomaaliya, fadlan soo qaado dukumentiyada kor ku xusan, ka dibna booqo www.ilapmaine.org/get-legal-help wixii macluumaad dheeraad ah oona ku saabsan sida loo qabsado ballan galitaaan.


Maxaa kale oo aan U baahanahay inaan Ogaado?

Ka digtoonow khiyaanada iyo dadka isku daya inay khiyaameeyaan soogalootiga iyagoo ka qaadanaya lacagtooda iskana dhigaya inay kaa caawin karaan kiisaska socdaalka. Wax badan ka ogoow sidaad naftaada u ilaalin lahayd halkan: https://ilapmaine.org/protect.